Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Dhooba-daareed oo kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16522167394642675.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-daareed.

Faahfaahin rasmi ah lagama hayo kulanka, hase ahaatee Madaxweyne Deni ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay inuu booqasho ugu yimid Dhooba-daareed, ayna ka wadahadleen xaaladda guud ee dalka.

“Waxaa caawa booqasho noogu yimi Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-daareed, waxaan iska wareysanay guud ahaan xaaladda dalka. waxaan uga mahadcelinaya kulanka iyo wakhtiga aan wada qaadanay” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhooba-daareed ayaa tan iyo markii laga qaaday xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlnd wuxuu aad u dhaliili jiray Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta ka agdhow oo uu ku eedeyn jiray in ay ka dambeeyeen xilka qaadistiisa.

7-dii November 2019 ayaa Cabdikariim Dhooba-daareed laga qaaday xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, sidoo kale xasaannadii xildhibaanimo ayaa laga xayuubiyay 10-kii December 2019.

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Dhooba-daareed oo kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this