Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Waare oo ka digay halista xooggan ee musharax Xasan Cali Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa ugu horeyn fariin dardaaran ah oo doorashada la xariirta u diray xildhibaanada Soomaaliya, isagoo weeraray siyaasadaha Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii hore Xasan Cali Kheyre.

Waare oo wareysi siiyey TV-ga Goobjoog ayaa xildhibaanada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dalka codkooda ku badbaadiyaan maanta, “War xildhibaanow yaan laguugu mashquulin sandareertada iyo waxyaabaha beenta ah ee maalmaha doorashada, ee dalkaan si mustaqbalkiisa loo badbaadiyo wado fiican noo saara,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa aad u naqdiyey siyaasadii ay dalka ku soo maamuleen Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, isagoo tusaale u soo qaatay, dhibistii Qalbi-dhagax, tacadiyadii kale ee dowladnimada Soomaaliya ay ugu geysteen ONLF iyo weerarkii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadka looga dilay.

“Waayahaan waxaan arkaa Farmaajo iyo Kheyre oo la kala wado, war Farmaajo waa Kheyre, Kheyrana waa Farmaajo, cid kala saari karta ma jirto ragaas, Ilaahey hana dhaafiyo labadaas,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Wuxuu intaas ku sii daray in gabood-fallada iyo talo xumadii uu ku sifoobay xukunkii Farmaajo uu Kheyre leeyahay eeda ugu badan, maadaama uu ahaa madaxii xukuumadda, sidoo kale markii uu Kheyre ku soo biiray golihii midowga musharaxiinta ayuu Waare sheegay inuu aad iga xumaaday.

“Midowga Musharaxiinta markii ay aqbaleen in Kheyre uu ku soo biro, waxay direen fariin ah Farmaajo waxaan ula dirireynaa arrimo qabiil iyo kursiga, waxyaabaha qaar ee hadda Farmaajo loo heysto, waxaa geystay Xasan Cali Kheyre,” ayuu yiri Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ilaahey ka baryey in shan sano oo Farmaajo soo xukumayey Soomaaliya, uusan noogu darin afar sano oo Xasan Cali Kheyre ah. Isagoo yiri, “Naxariista Alle kama aanaa rijo dhigin, si kasta oo aan isku dulminay, Soomaaliya maanta ma qaadi karto talo xumada Kheyre ee Allow na dhaafi.”

Hoos ka daawo

The post Daawo: Waare oo ka digay halista xooggan ee musharax Xasan Cali Kheyre appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this