Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Bixiyay Amar Ku Aadan Amniga Afisyooni

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afasiyooni oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha.
Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya. Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Amniga guud ee goobta hadaljeedinta ee Teendhada Afisyooni ayaa waxaa lagu wareejiyay taliska nabad ilaalinta ATMIS, waxaana la shaqeyn doona qaar kamid ah ciidamada amniga booliiska federalka, waxaana maalinta barri toos u bilaabanaysa hadaljeedinta musharraxiinta madaxweynaha 10-aad.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan,  wuxuuna amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah laama kala duwan ee amniga xarunta.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this