Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo si adag uga digtay dib u dhac ku yimaada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaaa soo dhoweeyay jadwalka uu soo saaray guddiga qaabilsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ku muddaysan 15 May 2022.

“Saaxiibada beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15ka bisha Maajo 2022” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ka digtay in jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay dib uga dhacdo 15-ka May 2022.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay”

Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo si adag uga digtay dib u dhac ku yimaada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this