Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo: Aabbihii Musuqmaasuqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan daawaday muuqaal kooban oo uu Farmaajo ku sheegayo in mar kale uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka ugu sarreeya dalka, sidoo kale uu diyaar u yahay in uu iska xaadiriyo teendhada Afisyooni, kana qaybgalo doorashada madaxtinnimo ee la filayo in ay dhacdo 15 Maajo, 2022 oo ah maalin ku beegan xuska halgankii dhallinyarada SYL.

Waxaa aad iiga yaabiyey mar uu leeyahay “…dalkan waxa uu maanta u baahan yahay hoggaan aamin ah, oo ilaaliya ammaanada ummadda iyo hantida qaranka.” Waxaan isweyddiiyey maxaa ka run ah hadalkaas? Markii aan baaris ku sameeyey waxaa ii soo baxday in shantii sano ee la soo dhaafay aan safka hore kaga jirnay liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Si kale u dhig, markii uu Farmaajo xukunka yimaaday ka dib waxa uu ku kacay saddex nooc oo musuqmaasuq ah, waxayna kala yihiin:

Musuq siyaasadeed
Mid dhaqaale
Iyo bulsho
Musuqmaasuq ka weyn ma jiro in xafiiska ugu darreeya dalka iyo awoodda sharciyeesan (legitimate authority) loo isticmaalo dano gaar ah sida in lagu cabburiyo mucaaradka, warbaahinta xorta ah iwm. Intaas waxaa ka sii daran in kursigii Villa Somalia ee shacabka Soomaaliyeed ka dhexeeyey la isku dhejiyo.

Musuq siyaasadeed

Farmaajo iyo ra’iisulwasaarihiisii hore Hassan Ali Kheyre intii ay xukunka joogeen waxaa dalka ka dhacay musuqmaasuq siyaasadeed kuwii ugu darnaa abid, waxaa ka mid ah: (A) in si sharcidarro ah lagu wareeray siyaasi mucaarad ah, (B) in waddo aan sharci ahayn loo maray xil ka qaadistii Jawaari, (C) dhiibistii halgamaa qalbi dhagax, (D) dadkii lagu dilay Baydhabo sanadkii 2018, (E) cunaqabateyntii hawada ee la saaray Jubaland iyo tii dhaqaale ee la saaray Somaliland.

Intaas kor ku xusan ee aan soo sheegay iyo kuwa kale oo badan ayaa dhacay intii u dhexeysay 2017-2020, waxaana sababteeda lahaa Farmaajo iyo Kheyre oo xukunka ku takrifalay, iyaga oo raadinaayey dano siyaasadeed oo u gaar ah. Si kale u dhig, musuq ka halis badan ma jiro in xukunka loo isticmaalo rabitaan shakhsi iyada oo la baalmarayo dastuurka dalka.

Mid dhaqaale

Saddexdii sano ee uu ra’iisulwasaaraha ahaa Hassan Ali Kheyre wuxuu ku fashilmey in uu baarlamaanka horgeeyo xisaabxirkii 2019 iyo 2020 si looga doodo, su’aallana la iska weyddiiyo. Sababta ugu weyn ee ku kalliftay in baarlamaanka uu ka dhuunto waxaa koow ka ah in xisaabxirkii miisaaniyadda 2018 lagu qabsaday lacag 42 milyan ah oo aan caddeyn meel lagu bixiyey, markii la weyddiiyeyna wuxuu weerar ku qaaday guddigii maaliyadda ee baarlamaanka. Isla sanadkaas ayaa ugu dambeysay in uu soo horistaago baarlamaanka, horkeeno xisaabxir, diyaarna u noqdo islaxisaabtan. Hadda isaga oo musharrax madaxweyne ah sidee ayuu kalsooni uga heli karaa baarlamaanka uu shalay dhulka ku jiiday, cagtana mariyey?

Dhanka kale, waxaa la musuqmaasuqay lacagtii loogu talaggalay in lagaga hortego safmareenka Covid19 iyada oo aan weli la ogeyn meel ay ku dambeysay. Waxaa kaloo jirta dhaadhac badan oo laga helay heshiiskii shidaalka ee hoteel ku yaala magaalada Istanbul loogu saxiixay shirkadda Coasline Exploration iyo shatiyo kalluumeysi oo la siiyey shirkado ajnabi ah.

Beentii Farmaajo ee ahayd aniga waxaan ahay qof ilaaliyey hantida qaranka halkaas ha ku soo xiranto waayo hantida qaranka waxaa ka mid ah khayraadka badda, shidaalka iyo deeqaha caalamiga. Waan soo aragnay sida uu ugu takrifalay, dowladdiisu u saxiixday heshiisyo hoose oo aan shacabka Soomaaliyeed ka warheynin, baarlamaankana la soconin. (Fiiri warbixinta hantidhowrka qaranka ee soo baxday sanadkii 2021).

Musuq Bulsho

Qayb ka mid ah waxqabadka Farmaajo iyo Kheyre waxaa ka mid ah indhasarcaadinta (sida igu sawir) iyo kala qaybinta bulshada iyada oo lacag badan lagu bixiyey cayayaanka baraha bulshada (CBB). Heer la gaaray in la kala garan waayo shaqooyinka igu sawirta ah iyo kuwa aan igu sawirta ahayn, sawirka laftirkiisa in laga shakiyo!

Waxaa meesha ka baxday akhlaaqdii bulshada iyada oo caado iska noqotay in la is caayo, la isku sameeyo sumcad dil iwm.

WQ: Xasan Mudane Bare Jaamacadeed

Qoraalkaaan iyo warbixintaan kama turjumeyso aragtida Goobjoog waxa ay u gaartahay qoraaga warbixinta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this