Sign in to follow this  
Deeq A.

SACIID DENI oo sameeyey bandhig ka duwan musharixiinta kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maanta is-diiwaangeliyey ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada ee madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Deni ayaa sameeyey bandhig cajiib ah oo ka duwan musharixiinta kale, wuxuuna xarunta guddiga doorashada ee Aqalka Sare la tegay xildhibaanadii ugu badnaa oo taageersan.

Sawir laga soo qaaday ayaa muujinaya Saciid Deni oo dhexda uga jira illaa 30 xildhibaan oo u badan xubnihii kasoo kala baxay maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Tani ayaa u muuqato mid uu Deni kuu muujinayo cududa uu heesto, ka hore doorashada, maadaama uu horey usoo saaray xildhibaano dhowr ah oo isaga taabacsan.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur oo ka mid ah xubnaha Puntland lagu soo doortay, horeyna u ahaa guddoomiyihii gobolka Mudug ayaa ka hadlay dhacdadan siyaasadeed, wuxuuna baahiyey sawirka ay la galeen madaxweynaha, isaga oo raaciyey qoraal kooban.

“Waa xarunta Aqalka sare iyo Shahaada Qaadashadii Musharax Madaxwayne Mudane Said Abdullahi Deni. Amni, Adeeg iyo Amaano,” ayuu yiri xildhibaanku.

Saciid Deni ayaa ka mid ah xubnhana ugu cad cad musharixiinta xilka madaxweynaha, wuxuuna usoo wareegay magaalada Muqdisho oo uu haatan ka wado ololihiisa doorashada.

15-ka May oo ay dhaceyso doorashada ayaa lagu kala bixi doonaa xerada Afisyoone oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

The post SACIID DENI oo sameeyey bandhig ka duwan musharixiinta kale appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this