Sign in to follow this  
Deeq A.

Diiwaan-gelinta musharrixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku eg

Recommended Posts

Deeq A.   

Diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii saddexaad ka socota magaalada Muqdisho.

Guddiga qaabilsan doorashada madaxweynaha ayaa xalay sheegay in diiwaan-gelinta musharrixiintu ay socon doonto ilaa 4:00PM ee maanta oo Talaado ah.

In ka badan 30 musharrax ayaa isu diiwaan-geliyay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaana la filayaa in ay maanta is diiwaan-geliyaan musharrixiinta harsan.

Musharrixiinta lagu wado in ay maanta is diiwaan-geliyaan waxa kamid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo horay u shaaciyay in uu u tartamayo xilkaas.

PUNTLAND POST

The post Diiwaan-gelinta musharrixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku eg appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this