Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Siciid Deni oo si rasmiya isugu diiwaan-geliyay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Dani.jpg?resize=811%2C540&ssl=1

Guddiga qaabilsan doorashada madaxweymaha Soomaaliya ayaa maanta diiwaan-geliyay musharrax Cabdullaahi Deni oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa musharrax Siciid Deni guddoonsiiyay shahaadada muujinaysa in uu si si rasmiya ugu tartamayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Siciid Deni oo hadda ah madaxweynaha Puntland ayaa horay u shaaciyay in uu tartan u geli doono xilka madaxweynaha dalka waxaaana uu maalmihii u danbeeyay ololihiisa ka waday baraha bulshada.

In ka badan 30 musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha weli xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isu diiwaan-geliyay tartanka doorashada madaxweynaha dalka oo ku beegan 15-ka May 2022.

PUNTLAND POST

The post Musharrax Siciid Deni oo si rasmiya isugu diiwaan-geliyay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this