Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira wararka sheegaya in xiisad ka jirto magaalada Boosaaso?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah mas’uuliyinta iyo saraakiisha laamaha amniga Gobolka Bari.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb-galay wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Axmed Yaasiin Saalax iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddiisa.

Xildhibaannada ayaa mas’uuliyiinta u sheegay in ay la kulmeen madaxweyne ku xigeenka islamarkaana aysan jirin wararka laga faafinayo oo ku saabsan in uu xiisad ka wado gobolka Bari gaar ahaanna Boosaaso.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in madaxweyne ku xigeenku maalmaha soo socda dib ugu laabanayo caasimadda Garoowe kadib markii uu dhammaysto hawla shaqo oo uu Boosaaso u yimid.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira wararka sheegaya in xiisad ka jirto magaalada Boosaaso? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this