Deeq A. Posted May 9, 2022 Hordhac : 09.05.2022 Marka la qorayo qudbada Madaxweynaha waxaa xooga la saara 3(saddex) arimood oo kala ah:- Wixii inoo qabsoomay, intii ka dambaysay qudbad sanadeedkii hore amase sanadkii u dambeeye. Xaalada hadda lagu jiro ee dhaqale -siyaasad iyo dhaqanba. Maxaa Xukuumadada u qorshaysan sanadka soo socda. Saddexdaa arimood ee aan kor ku soo sheegay kama muuqan qudbadii Madaxweynaha,waxay ahayd “ ku celcelin wax lagaga hadlay qudbadihii hore” Tusaalle qudbad kasta wax laga hadlaa dhismaha Dekeda Berbera iyo wadada Ceeri gaabo(Siilanyo iyo Xirsi baa dhisay) ee adigu wax sheego. Sida loo qoro qudbada Madaxweynaha:- Waxaa qora aqoon yahano amase la taliyayaasha Madaxweynaha la jooga Madaxtooya. Waxaan xogta waxqabad laga soo ururiyaa Wasaradaha iyo Hayadaha Dowlada,ka dib waxaa loo qoraa hab waafaqsan qudbada. Madaxweynuhu waxba ma qoro,ee wuu akhriyaa wixii talo ahna wuu ka dhiibtaa amase ku daraa. Dadka qudbadan qoray waxaa ka muuqda 3 arimood oo kala ah:- Guulwadanimo. 2. Qabyaalada iyo 3. In la qariyo xaalada dhabta ah ee Somaliland ku sugan tahay maanta iyo wadada qaladka ah ee ay qaaday. Erayada lagu qoro qudbadaha Madaxweynaha:- Marka aad qorayso qudbada Madaxweynaha,waxaa ka madnuuc ah in laga helo ERAYO suuqdi ah,erayo aan ku haboonayn AFKA madaxweynaha.Tusaalle qudbadii maanta waxaa jiray erayo ay ka mid yihiin BOOLI XOOFTO IWM. Iyo qaar kale oo an ku fiicnayn Afka Madaxweynaha,akhrin iyo qoraal midna. Dadka sacabka iyo Mashaxaradaa tuma Marka Madaxweynu Hadlayo:- Kooxaha SACAB IYO MASHXARADA ka tuma goobaha Madaxweynu ka qudbadeeyo,waa shaqsiyaad la wada yaqaan waxayna u qaybsamaan 3 qayboo oo kala ah: Inta badan Ragg iyo Dumarba waa shaqsiyaad BALWAD leh,waxay ka raadiyaan meelaha, wax yar oo ay maalintaa ku murqaamaan. Waa kooxo lagu soo abaabulo QABYAALAD,waxaa lagu yidhaahdaa waa in aynu cadawga iska tiirinaa. Qabta kale waa XAASASKA ASKERTA iyo Shaqaalaha Madaxtooyada oo la soo abaabulo goobta la sii geeyo. Hadal iyo dhamaan intaasi waa kor xaadin,iftiimin iyo talo,ee waa inoo iyo qudbadii maanta uu 2 Gole ka akhriyey Madaxweynuhu iyo ,sida aan u arko anigu shaqsi ahaan.. ALLAA. MAHAD. LEH Amb. Abdi M .Saleiman(Mingiste) Qaran News Share this post Link to post Share on other sites