Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadn Madoobe oo La Kulmay Bulshada Rayidka ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la yeeshay ururada bulshada rayidka (SONSA), wuxuuna bogaadiyay doorka muhiimka ah ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka iyo ka shaqeynta dib u heshiisiinta.
Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee SONSA Cusmaan Macalin Muxuyadiin (Shaatax) ayaa marka hore salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in bulshada rayidka ah kala shaqeyn doonaan baarlamaanka horumarinta dalka iyo geedi socodka doorashada madaxweynaha
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo wadatashiyo kala duwan oo ku aadan doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo dhici doonta 15-ka  bisha May, waxaana caasimaadda siweyn looga dareemayaa ololaha musharraxiintu ay wadaan iyo kulamada doorashada.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this