Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Aadan Madoobe oo amar ku saabsan amniga doorashada siiyay saraakiisha ATMIS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)– Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Somalia, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha sare ee ciidamada howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

Shirkaani ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doorashada madaxweynaha Somalia oo la filaayo inay dhacdo maalinta Axada oo ku beegan 15-ka May.

Sh. Aadan Madoobe ayaa faray saraakiisha iyo taliyeyaasha ugu sareysa ATMIS inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee ah mas’uuliyada ka saaran ilaalinta amniga doorashada madaxweynaha Somalia.

Kulankaan ayaa saraakiishii ka qeyb galay waxaaa ka mid ahaa Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee ciidanka ATMIS ee Somalia Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

SHirkaan deg deg ah ee Guddoomiye Aadan Madoobe ugu yeeray saraakiisha ATMIS ayaa kusoo beegmay saacado kadib, markii guddiga doorashooyinka ay soo saareen habraaca amniga doorashada madaxweynaha, oo la filaayo inay murashaxiinta madaxweyne ku dhaqmaan.Madoobe-saraakiil-atmis-1.jpg?resize=696Madoobe-saraakiil-atmis-6.jpg?resize=696Madoobe-saraakiil-atmis-3.jpg?resize=696 Madoobe-saraakiil-atmis-5.jpg?resize=696 Madoobe-saraakiil-atmis-4.jpg?resize=696Madoobe-saraakiil-atmis-2.jpg?resize=696

The post Sawirro: Aadan Madoobe oo amar ku saabsan amniga doorashada siiyay saraakiisha ATMIS appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this