Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Farxaan Qaroole oo caawa qarax lala beegsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax culus oo goordhow ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la sheegay in qaraxaas lala beegsaday, waxayna ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ay si hordhac ah noogu xaqiijiyey inuu ka badbaaday.

Si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha qaraxaas, maadaama ay tahay xiili habeen ah, waxaana degaanka Ceelasha Biyaha ilaa wadada dheer ee Muqdisho ka taagan cabsi iyo jaha wareer xoog leh.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

The post DEG DEG: Farxaan Qaroole oo caawa qarax lala beegsaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this