Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta qaatay shahaadada musharaxnimada + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ah Musharax ayaa goordhoweyd is diiwaan-geliyay, islamarkaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tegay xarunta Aqalka Sare oo ay ka socoto diiwaan-gelinta, waxaana shahadaada guddoonsiiyey Cabdiqani Geelle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada.

Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax mar kale u taagan inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shacabka ka codsaday in mar kale ay fursad siiyaan.

Kooxda Farmaajo ayaa maalmihii dambe bilaabay ololaha dib u doorashadiisa, xili uu wajahayo loolan adag oo uga imanaya madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin kale oo miisaan culus.

Is diiwaan-gelinta iyo qaadashada musharaxnimada madaxweyne ayaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socota magaalada Muqdisho, ayada oo ay is diiwaan-geliyeen in ka badan 25 musharax.

Waxaa shalay is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo ugu horeeyay Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Sidoo kale waxaa maanta is-diiwaangeliyay illaa hadda, Jabril Ibrahim Cabdulle, Xasan Sheekh Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys, Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiq, Nucmaan Shiekh Cumar, Muqtaar Maxamed Sayid, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.

Murashixiin kale ayaa lagu wadaa inay iyaguna tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo kadib la guda-geli doono jeedinta khudbadaha musharaxiinta.

Doorashada madaxweynaha ayaa la qorsheeyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022, haddii uusan ku imaan dib u dhac kale.

F02.jpg?resize=696%2C483&ssl=1 F01.jpg?resize=696%2C452&ssl=1 279505871_384977113668901_15669800070799

The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta qaatay shahaadada musharaxnimada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this