Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxay iila muuqataa khudbad aan NUXUR lahayn iyo “Shimbirayahow heesa”…” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Khudbad Sannadeedii Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Khudbadda Madaxweynaha ee muddo-dhaaftay:

Haddii warbixinta ay xambaarsan tahay aanay xaqiiqada ku qotomin ama tahay mid aan la hubsan oo aan sax ahayn. Tusaale ahaan, waddada Oodweyne oo uu sheegay in wax yari ka hadhsan yihiin, xaalka macaiishadda ama sicirbararka ka jira dalka iwm, iyada oo sannadkii tegay aanay khudbaddu wax badan ka warramin ee ay dhacdooyinkii sannadkan uun sheegtay.

Haddii aanay wadan qorshe Qaran oo sheegaya qorshaha xukuumadda ee sannadka amase sannadkiiba kala badhanyahay iyada oo weliba Madaxweynaha wakhtigiisii gabaabsi yahay oo lix bilood u hadhay.

Haddii aanay khudbadda Madaxweynuhu ka jawaabayn dhibaatada taagan iyo duruufaha adag ee bulshada haysta oo aanay xal soo bandhigayn.

Haddii Madaxweynaha wakhtigiisi dhammaaday aanu soo gudbin oo golayaasha iyo qarankaba la wadaagin qorshahii doorasho. Dee waxay iila muuqataa khudbad aan NUXUR lahayn iyo “Shimbirayahow heesa”.

W/Q Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this