Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee diiwaan-gelinta musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
3-5.jpg?resize=1000%2C526&ssl=1

Diiwaan-gelinta Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maalintii labaad ka socota Xarunta Golaha Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho.

Musharrixiinta maanta is diiwaan geliyay waxa kamid ah; Xasan Sheekh Maxamuud,Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Mxamuud Daahir Aweys iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay is-diiwaangeliyaan musharaxiin kale, oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo kursiga.

Musharaxiinta ayaa lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin in ay bixiyaan lacag is-diiwaangelin oo gaareysa $40,000, in ay haystaan saxiixa 20 xildhibaan oo taageersan iyo soo gudbinta barnaamij siyaasadeedkooda oo qoran.

Doorashada madaxweynaha ayaa la qorsheeyey in ay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee diiwaan-gelinta musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this