Sign in to follow this  
Deeq A.

5 Arrimood oo ku saabsan isticmaalka khudradda Beytaraafka+Faa’iidooyinka qarsoon ee laga helo!

Recommended Posts

Deeq A.   

5 Arrimood oo ku saabsan isticmaalka khudradda Beytaraafka+Faa’iidooyinka qarsoon ee laga helo!

Beytaraafka
Beytaraafka

Beytaraafka waa khudrad muhiim ah oo ka qeyb qaadata xoojinta caafimaadka qofka isla markaana horseeda in qofka isticmaala aanu daalin marka uu sameynayo jimicsiga.

Sidoo kale Beytaraafka wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga iyo ilaalinta caafimaadka maskaxda.

Waxaana beytaraafka la adeegsan jiray tan iyo xilliggii Giriiggii hore, Sidaa darteed waxaa la ogaaday waxtarka uu u leeyahay aadanaha.

Waxaa soo ifbaxaya caddeymaha ku saabsan faa’idooyinka aan caadiga aheyn ee beytaraafka iyo sababta aan ugu darsanno cuntadeena.

Waxyaabaha qarsoon ee ku jira beytaraafka

Midabka dabiiciga ah ee madow ee beytaraafka, waxaa loo yaqaan betalains, wuxuuna leeyahay awood xoog leh.

Dhowr sano ka hor, cilmi-baaris uu Talyaaniga ku sameeyay beytaraafka ayaa muujisay in uu dili karo kansarka ku dhaca unugyada mindhicirka.

Awoodda uu leeyahay beytaraafka waxaa kamid ah inuu ku badan yahay maadada Nitrate.

Ma wanaagsano isticmaalka badan ee maadada Nitrate tusaale ahaan haddii maadada Nitrate lagu daro hilibka la warshadeeyey si uusan u hallaabin, wuxuu Nitrate kordhin karaa halista kansarka kaadi heyska.

Si kastaba ha ahaatee, marka aan isticmaalno Nitrate-ka dabiiciga ah ee laga helo beytaraafka, wax cajiib ah ayaa dhacaya.

Bakteeriyada ku nool afkeena waxay caawisaa nitrate-ku inuu isu beddelo maado la yiraahdo ()dibna wuxuu uu isu beddelaa nitric oxide, waa maaddo awood leh oo saamayn badan ku leh nolosheena.

Cabitaanka Beytaraafka
Cabitaanka Beytaraafka

Waxyaabaha kale ay sameyso Nitric oxide waxaa kamid ah inay sare u qaado qulqulka dhiigga ee gudaha jirka.

“Nitric oxide, waxay horseedaa in xididdada dhiigga ay ballaartaan, waxayna ka qeyb qaadataa sare u kaca qulqulka dhiigga si hawada ay u gaarto unugyadayada” ayuu yiri Andy Jones, oo ah borofisar ka tirsan jaamacadda Exeter ee UK kaas muddo ka badan 10 sano cilmi baaris ku sameynayay beytaraafka.

Cadaadiska dhiigga ayuu hoos u dhigaa

Daraasad ayaa muujineysaa in isticmaalka beytaraafka maalin kasta uu hoos u dhigi karo cadaadiska dhiigga qiyaastii 5 millimitir celcelis ahaan.

Haddii la badsado isticmaalka beytaraafka kaas oo hoos u dhigi karo cadaadiska dhiigga, markaa waa mid ku filan yareynta khatarta istaroogga iyo wadna xanuunka 10%.

“Haddii beytaraafka uu isbeddel noocan oo kale ah uu ku yeesho dadka la xanuusan dhiig karka, dhacdooyinka , sida wadne xanuunka iyo istaroogga, ayaa si weyn hoos loogu dhigi lahaa,” ayuu yiri Jones.

Cilmi baaris ayaa sidoo kale muujisay in beytaraafka uu saameyn ku yeelan karo cadaadiska dhiigga dhowr saacadood ka dib marka la cuno.

Runtii, maadada nitric oxide waxay sababtaa balaarinta xididdada dhiigga, taas oo sahlaysa wareegga dhiigga ee jirka banii’aadanka.

Caafimaadka maskaxda

Isticmaalka beytaraafka wuxuu sidoo kale kordhin karaa qulqulka dhiigga meelaha muhiimka ah ee maskaxda.

Cabitaanka laga sameeyo beytaraafka ayaa la ogaaday in uu kor u qaado garaadka iyo fikirka.

Waxa kale oo ay u muuqataa in uu ka qeyb qaadanayo ilaalinta caafimaadka maskaxda dadka da’da ah.

Daraasad la sameeyay ayaa muujisay in isku darka isticmaalka beytaraafka iyo jimicsiga jirka ay kordhin karaan isku xirnaanta meelaha maskaxda ee xakameynaya dhaqdhaqaaqa qofka.

Cilmi-baaristu waxay sheegeysaa in cabitaanka laga sameeyo beytaraafka u sare u qaadi karo qulqulka dhiigga ee kiliyaha, taas oo hagaajinaysa waxqabadka maskaxda.

Caafimaadka afka

Daraasad ayaa sidoo kale lagu ogaaday in cabidda beytaraafka uu ka qeyb qaadan karo sare u qaadida caafimaadka afka gaar ahaan in uu meesha ka saaro bakteeriyda lala xiriira cudurrada afka.

Beytaraafka

Dadka jimicsiga sameeyo ayuu u fiican yahay

Daraasadihii ugu dambeeyay waxay sidoo kale muujinayaan in isticmaalka beytaraafka uu dad badan ka caawiyay in si dhakhso ah ay u ordaan xilliga ay sameynayaan jimicsiga ama ay ka qeybgalayaan tartamada.

Maadada Nitric oxide ee ku jirta beytaraafkxay sare u qaaddaa socodka dhiiga ee sambabada iyo murqaheena.

Daraasad la sameeyay sanadkii 2009 ayaa lagu ogaaday in qofka isticmaalo beytaraafka uusan daalin marka uu sameynayo jimicsiga marka loo barbardhigo dadka kale ee aan isticmaalin ee jimicsiga sameynayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this