Sign in to follow this  
Deeq A.

Saamaynta militeri ee Moscow ay ku leedahay Afrika+6 Dal oo Afrikaana oo Ciidamada Ruushku ka hawlagalaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Saamaynta militeri ee Moscow ay ku leedahay Afrika+6 Dal oo Afrikaana oo Ciidamada Ruushku ka hawlagalaan

Ruushka iyo Afrika

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine warbaahinta adduunku waxa ay il gaar ah ku hayeen dhaqdhaqaaqyada militeri ee Ruushka iyo waddamada uu saamaynta ku leeyahay, kuwaasoo ay ku jiraan qaar badan oo Afrika ka tirsan.

In muddo ahba Madaxweyne Putin wuxuu xoojinayay galaangalka dhanka militeriga ee uu ku leeyahay Afrika, sidoo kale meelo badan oo ka mid ah qaaradda waxaa ka howl gala xoogag calooshood u shaqaystayaal ah oo Ruushka ka socda.

Dalkan horay u hoggaamin jiray Midowgii Soviet waxa uu si hoose u xoojinayay sare u qaadista saamayntiisa, inkastoo dalalka Reer Galbeedka ee uu Mareykanku horkacayo ay walaac ka qabeen waxa uu ka samaynayo gudaha Afrika.

Sanadkii 2019-kii, Madaxweyne Vladimir Putin oo ka qayb galay shirka Afrika Ruushka ayaa sheegay in Afrika ay u tahay mudnaanta koowaad ee siyaasadda arrimaha dibadda.

Dalalka Afrika ee dhawaan sida weyn looga dareemay joojitaanka ciidamada Ruushka waxaa ka mid ah Burkina Faso oo markii bishii January ee sanadkan uu afgambiga ka dhacay laga arkayay calanka Ruushka oo meelaha qaar ka babbanayay.

Bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii, Ruushka waxa uu heshiisyo wadashaqayn militeri ah la saxiixday dalalka Nigeria iyo Itoobiya, oo ah labada dal ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Si la mid ah Ruushka, Afrika waxaa si xoog leh u daneeya waddamada kale ee ku loollama awoodda, sida Mareykanka, Shiinaha iyo Faransiiska.

bbc

Dowladda Mareykanka ayaa horay u ballan qaadday in ay dib u xoojinayso awooddeeda qaaradda Afrika, inkastoo tallaabooyin ciidamada Mareykanka looga qaaday Afrika ay sahleen in dalalka kale ay ka faa’iidaystaan.

Shiinaha ayaa dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha aad uga taageera waddamada Afrika intooda badan, sidoo kale waxa uu sii adkaynayaa saamayntiisa dhinaca militeriga.

Faransiiska ayaa dhankiisa joogteeya inuu ahaado waddanka awoodda militeri ee ugu badan ku leh Afrika, marka la barbar dhigo dalalkii gumaystayaasha.

Haddaba halkee ayay gaarsiisan tahay saamaynta militeri ee Ruushka uu ku yeeshay Afrika?

b

Sanadihii ugu dambeeyayba Ruushka wuxuu si gaar ah diiradda u saarayay sidii uu galaangal muuqda ugu yeelan lahaa Afrika.

Kaddib markii uu dagaalka u qaaday waddanka Ukraine-na waxa uu dalalkaas ka filayaa in ay taageero u muujiyaan, ama ay ugu yaraan dhexdhexaad ka noqdaan xaaladda markii la iskula soo qaado meelo ay ka mid tahay Qaramada Midoobay, halkii ay garab istaagi lahaayeen dhinacyada kasoo hor jeeda Moscow.

Laga bilaabo Liibiya, Suudaan, Afrikada Dhexe ilaa Mozambique iyo meeo kaleba, Ruushku wuxuu ku yeeshay saamayn la taaban karo, inta badanna waxa uu gacan ka siiyaa la dagaallanka kooxaha fallaagada ah ama ururrada jihaad doonka ah.

Ciidamada Calooshood u shaqaystayaasha ah ee howlgallada lacagta lagu qaato fuliya ee ka socda Ruushka ayaa ku sugan dalalka kala ah Liibiya, Afrikada Dhexe, Mali, Guinea, Angola iyo Suudaan.

Ruushka ayaa Sudan ka doonaya in ciidamadiisa badda ay si toos ah u isticmaalaan Badda Cas, gaar ahaanna waxa ay Moscow danaynaysaa Dekedda Sudan.

b

Taas marka laga soo tago, Ruushku waxa uu howlgallo militeri ka fuliyaa ilaa 27 waddan oo Afrika ku yaalla, kuwaasoo kala ah: Aljeeriya, Afrikada Dhexe, Botswana, Burundi, Burkina Faso, Cameroon, Chat, DRC, Eswatini, Gambia, Ghana, Guinea, Itoobiya, Kenya, Liibiya, Madagascar, Masar, Mozambique, Niger, Nigeria, Rwanda, Sierra Leone, Suudaan, Tanzania, Tunisia, Zambia, Zimbabwe.

Ruushka oo ka mid ah dalalka hubka soo saara ee waddamada kale ka iibiya ayaa saamayntiisa ku xoojiyay inuu qaar ka mid ah dalalka soo korayo siiyo hub.

Waddamada Afrika ee uu dhinaca saanadda militeri kula saaxiibay waxaa ka mid ah Masar, Aljeeriya iyo Angola.

b

Masar ayaa 13% ka mid ah hubka ay dibadda ka keensato ka iibsata Ruushka. Aljeeriya ayaa iyana Ruushka ka qaadata 11% ka mid ah hubkeeda, halka Angola ay dowladda uu hoggaamiyo Putin ka iibsato 2% ka mid ah hubkeeda dibadda uga imaada.

Arrintan waxay Moscow u saamaxday in ay noqoto dalka hubka ugu badan geeyay Afrika intii u dhaxaysay 2017-kii ilaa 2021-kii.

Muddadaas gudaheeda 44% ka mid ah ah hubkii gobolka laga iibiyay waxaa laga keenay Ruushka, waxaana kusoo xigay Mareykanka oo lahaa 17%, Shiinaha 10% iyo Faransiiska 6%.

Waddamada Quwadaha waawayn ee adduunka ayaa u muuqda in ay Afrika u arkaan meel mudan in saldhig lagu yeesho, iyagoo sanadihii dmabena ku loollamayay qaaradda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this