Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow awoodda hubka T-72 ee lagu wareejiyay Ukraine+Halka laga keenay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogow awoodda hubka T-72 ee lagu wareejiyay Ukraine

Hubka T-72
Hubka T-72

Iyadoo qayb ka ah gargaarka milatari, Poland waxay dowladda Ukraine ku wareejisay 200 oo kamid ah taangiyada dagaalka gaar ahaan nooca T-72 ah iyo dhawr iyo toban kamid ah baabuurta gaashaaman ee BMP-1.

Gargaarka militeri ay Poland gaarsiisay Ukraine ayaa waxaa ku baxay lacag ka badan $ 1.5 bilyan oo doolar, sida uu ku warramay Raadiyaha dowladda Poland.

Xukuumadda Warsaw ayaa rasmi ah u xaqiijisay hubkan ay ugu deeqday Ukraine.

“Wax faahfaahin ah kama bixinayo gargaarkan balse waa mid muhiim ah, waxaan xaqiijinayaa hadalka Ra’iisul Wasaaraha Poland ee ahaa in uu sii wadi doono taageerada militeri u fidinayo Ukraine” ayuu yiri Pawel Soloch oo ah madaxa xafiiska amniga qaranka Poland xilli uu warramayay warbaahinta Polsat News.

Warbaahinta Poland ayaa sidoo kale sheegtay in hubkan lagu wareejiyay xukuumadda Kyiv ay ka mid ahaayeen diyaaradaha iswada ee ‘2S1 Gvozdika’ iyo gantaallo badan oo kamid ah nooca loo yaqaanno Grad, iyo sidoo kale gantaallada laga soo riday diyaaradaha dagaalka ee nooca MiG-29 iyo Su-27.

Maxaan ka ognahay hubka T-72?

Taangiga weyn ee T-72 waxaa sameysay shirkadda Uralvagonzavod xilliggii dagaalkii Midowgii Soofiyeet.

Ciidanka Soofiyeedka ayaa markii ugu horresyay adeegsaday hubka sanadkii 1973-dii.

Waxaa hubkan dib loo casriyeeyay ilaa 14 jeer.

Taangiga T-72 , waxaa la isku adeegsaday iskahorimaadyo badan oo militari oo horey uga dhacay- dalalka Lubnaan-Suuriya, dagaalkii Ciraaq iyo Iran, dagaaladii Yugoslavia, Chechnya, dagaaladii Ruushka-Georgia ee sanadkii 2008, colaaddii Nagorno -Karabakh iyo dagaalka haatan ka socda bariga Ukraine.

Hubka T-72

Bilowgii 2014, ciidamada milatariga Ukraine waxay haysteen 600 oo taangiyada T-72 oo kayd ahaa.

Hase yeeshee markii uu dagaalku ka qarxay gobolka Donbass ee bariga Ukraine, dowladda waxay dib u billowday isticmaalka taangiyada T-72.

Taangiyadan waxaa dib u casriyeeyay mid ka mid ah shirkadaha soo saara hubka ee waddanka Ukraine.

Taangiyada T-72 waxaa lagu rakibay matoor ka awood badan midka taangiyada T-80, waxaana la xoojiyay badqabkiisa, sidoo kale wuxuu leeyahay Raadiye casri ah iyo nidaamka Sattelite-ka.

Waxaana taangigan lagu rakibay qalab habeenkii wax lagu arko kaas oo si hufan oo wax usoo qabanayo.

Ciidamada Ruushka ayaa si weyn u adeegsaday Taangiyada T-72 oo dib loo soo naqshadeeyay xilliggii uu socday duulaanka Ukraine ee sanadkan.

Markii uu Ruushka duullaanka ku qaaday Ukraine, Maraykanka, Jarmalka, Australia iyo Netherland waxay ku dhawaaqeen inay qorshaynayaan inay hub u dirayaan Ukraine si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah duulaanka Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxay xilliggaas ballan qaaday in ay usoo direyso Ukraine hub qiimihiisu dhan yahay $350 malyan oo doolar, oo ay ku jiraan gantaallada Javelin, gantaalada lidka diyaaradaha iyo jaakadaha aan xabaddu karin.

Sweden oo ku caan baxday dhexdhexaadnimada iyo xallinta colaadaha ayaa sidoo kale xilliggaas ku dhawaaqday inay gargaar milateri u diri doonto dalka Ukraine, gargaarkan oo noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1939-kii markaasoo Midowga Soofiyeeti uu ku duulay dalka Finland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this