Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro badnida murashaxiinta Hawiye ma dhalin doontaa natiijo la mid ah tii 2017?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashaxiinta u taagan tartanka hoggaanka dalka ee loo balansan yahay 15 May oo ka dhaceysa teendhada xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni ayaa badankood waxay kasoo jeedaan hal beel oo ah beesha Mogadishu Clan.

Murashaxiinta Mogadishu Clan ee damaca kaga jira hoggaaminta dalka waxay tiro ahaan ka badan yihiin 20 murashax oo doonaya hal kursi, halka murashaxiinta kale ee beelaha kale kasoo jeeda marka la isku geeyo aysan ka badneyn 10 murashax.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in tiro badnaanta murashaxiinta beelweynta Mogadishu Clan ay fursad u tahay murashaxa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la ogyahay taariikhdii dhacday 8-da Febraayo 2017, markaasoo tiro badnaanta beesha Mogadishu Clan iyo isu tanaasul la’aantooda fursad u siisay inuu aruursado cododkii murashaxiintii beeshaasi oo dhexdooda is-diidanaa.

Cashar iyo tusaale midna kama baran wixii soo dhacay doorashadii 2017, xiligaasi oo wareega koowaad murashaxiintii usoo gudubtay uu u cod badnaa Xasan Sheekh oo markaasi xilka hayay helayna 88 cod, waxaa kusoo xigay Farmaajo oo 72 cod aruursaday, Sheekh Shariif oo 49 helay iyo Cumar Cabdirashiid oo 37 cod ugu soo gudbay wareega labaad balse iskiis ugu haray doorashada.

Shaxdaasi uu cododka ugu badan ku hoggaamiyay Xasan Sheekh wareega koowaad ayaa markii loo gudbay wareega labaad waxay cododkii xildhibaanada aadeen dhinaca Farmaajo oo ku guuleystay wareega labaad 184 cod.

Guuldaradaasi Xasan Skeekh wajahay ayaa u sabab aheyd cododkii Sheekh Shariif oo aaday dhinaca Farmaajo iyo cododkii kale ee murashaxiintii wareega koowaad ku haray.

Xiligaan waxaa muuqata in isbarbar-yaaca murashaxiinta Mogadishu Clan inay dhabar jab ku tahay iyaga dhexdooda oo is-tooganaya isna diidan, mid walbana diyaar uma aha in uu tanaasul sameeyo si ay ugu midoobaan hal murashax ama laba murashax.

Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sh. Axmed, C/raxmaan C/shakuur, Xasan Cali Kheyre, Dahir Maxamuud Geelle, C/kariin Xuseen Guuleed, Eng. C/llaahi Cali Xasan, Cabdinuur Shiikh Maxamed, iyo kuwo kaloo badan mid walba dhinaciisa ayuu u ordayaa, mana jirto midow ama isbaheysi xiligaan aakhiru saaca ah, midba midka kalena inuu u tanaasulo ma ogola.

Ugu danbeyntii Murashaxiinta Mogadishu Clan ee tirada badan midkoodna cashar iyo tusaale kama baran wixii dhacay 8-dii Febraayo, waxaase arki doonaa natiijada ay dhasho midow la’aanta iyo isbarbar yaaca 15-ka May.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online
Muqdisho, Somalia

 

The post Tiro badnida murashaxiinta Mogadishu Clan ma dhalin doontaa natiijo la mid ah tii 2017? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this