Deeq A. Posted May 8, 2022 Toban (10) musharax ayaa maanta qaatay shahaadada musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Musharaxiinta ay ilaa hadda diiwaangeliyeen guddiga isku-dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ah: 1- Musharax Shiikh Shariif Shiikh Axmed2- Musharax Daahir Maxamuud Geelle.3- Musharax Xasan Cali Kheyre4- Musharax Cabdiqaadir Cosoble Cali5- Musharax Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)6- Musharax Cabdullaahi Cali Xasan7- Musharax Cabdi Nuur Shiikh Maxamed8- Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame9- Musharax Cabdikariim Xuseen Guuled10- Musharax Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal. Diiwaangelinta musharaxiinta waxay ku egtahay berri oo ku beegan 10 Maajo, halka musharaxiintu khudbadooda ka hor jeedin doonaan baarlamaanka 11 iyo 12 bishan Maajo. Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhici doonta 15-ka basihan Maajo 2022, sid ay horay u shaaciyeen Guddiga Doorashada. Doorashadan waxaa u taagan musharaxiin ay ku jiraan Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya in ay xilka kala wareegaan Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. PUNTLAND POST The post Tirada musharaxiinta maanta is-diiwaangeliyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites