Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada musharaxiinta maanta is-diiwaangeliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Toban (10) musharax ayaa maanta qaatay shahaadada musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Musharaxiinta ay ilaa hadda diiwaangeliyeen guddiga isku-dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ah:

1- Musharax Shiikh Shariif Shiikh Axmed
2- Musharax Daahir Maxamuud Geelle.
3- Musharax Xasan Cali Kheyre
4- Musharax Cabdiqaadir Cosoble Cali
5- Musharax Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)
6- Musharax Cabdullaahi Cali Xasan
7- Musharax Cabdi Nuur Shiikh Maxamed
8- Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
9- Musharax Cabdikariim Xuseen Guuled
10- Musharax Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal.

Diiwaangelinta musharaxiinta waxay ku egtahay berri oo ku beegan 10 Maajo, halka musharaxiintu khudbadooda ka hor jeedin doonaan baarlamaanka 11 iyo 12 bishan Maajo.

Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhici doonta 15-ka basihan Maajo 2022, sid ay horay u shaaciyeen Guddiga Doorashada.

Doorashadan waxaa u taagan musharaxiin ay ku jiraan Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya in ay xilka kala wareegaan Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

FB_IMG_16520242766067512.jpg?resize=720% FB_IMG_16520242855975496.jpg?resize=720% FB_IMG_16520242938155782.jpg?resize=720% FB_IMG_16520243009273507.jpg?resize=720% FB_IMG_16520243100227216.jpg?resize=720% FB_IMG_16520243178452995.jpg?resize=720% FB_IMG_16520243253233582.jpg?resize=720% FB_IMG_16520243339085824.jpg?resize=720% FB_IMG_16520243409721867.jpg?resize=720% FB_IMG_16520243477324456.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Tirada musharaxiinta maanta is-diiwaangeliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this