Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay in uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa ku dhaqaaqay in uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu go’aansaday mar kale in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana sii wado isbeddelada ka socda dalka.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayuu sidoo kale ka codsaday in ay Codka siiyaan kuna caawiyaan sii wadista Isbeddelo uu sheegay in ay socdaan.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay ku garab siiyaan dib u doorasho ku dhisan danta Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay in uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this