Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada iyo magacyada murashaxiinta maanta qaatay shahaadada + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu bilowday qaadashada shahaadada murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, iyadoo tirada qaadatay ay sii kordhayaan saacadba saacadda ka dambeysa.

Xarunta aqalka sare ee baarlamaanka federaalka oo ah halka laga bixinaayo shahaadada iyo diiwaan gelinta murashaxiinta ayaa waxaa maanta iska xaadiriyey murashaxiinta qaadanaya shahaadada, ilaa haddana waxaa qaatay toban musharax.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ahaa murashaxii ugu horeeyay ee lagu furay liiska diwaan gelinta murashaxiinta madaxweynaha.

Dahir Maxamuud Geelle ayaa noqday murashaxii labaad ee iska xaadirayay xarunta aqalka sare, wuxuuna soo qaatay shahaadadiisa murashaxnimada.

Sidoo kale Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ayaa isagana si deg deg ah ku noqday murashaxii sadexaad ee soo qaatay shahaadada murashaxnimada kana soo baxay shuruudihii laga doonayay murashaxiinta madaxweynaha.

Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale kasoo baxay buuxinta shuruudaha murashaxnimo, wuxuuna soo qaatay shahaadada, taasoo ka dhigeysa musharaxii afaraad ee soo qaata shahaahadada.

Sidoo kalel xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, isagana waa murashaxii shanaad ee soo qaatay shahaadada murashaxnimada. Mr. Cosoble ayaa ka mid ah murashaxiinta saameynta ku dhex leh baarlamaanka federaalka Somalia.

Bashiir Xaaji Cali ayaa ka mid ah murashaxiinta madaxweyne ee isdiiwaan geliyay isla markaana qaatay shahaadada, murashaxaan oo dadka aqoon durugsan u laheyn ayaa ku cusub doorashadaan inuu kusoo biiro liiska.

Cabdinuur Shiikh Maxamed ayaa isagana buuxiyay shuruudihii laga doonayay murashaxa, wuxuuna qaatay shahaadadii murashaxnimada xilka madaxweyne.

Waxaa sidoo kale goor dambe iyagana shahaadada qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal oo soo buuxiyey shuruudaha lagu xiray.

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in liiska murashaxiinta qaadaneysa shahaadada inay intaas kasii kordhaan, iyadoo xarunta aqalka sare ay ilaa caawa furnaan doonto si loo qaabilo murashaxiinta.
279799123_313533287623980_66056400867133 279760329_322236546760878_61185980443465geelle-shahaado.jpg?resize=696%2C464&sslkheyre-shahaad0-1.jpg?resize=696%2C491&s kheyre-shahaado-2-1.jpg?resize=696%2C464279465530_313711894272786_80402348362205 279750008_313726244271351_30815237214005abdullahi-shahaad0-1.jpg?resize=696%2C46 abdullahi-shahaad0-2.jpg?resize=696%2C46 cosoble-shahaado-.jpg?resize=696%2C464&sAbdinur-shahaado.jpg?resize=696%2C464&ss

The post Tirada iyo magacyada murashaxiinta maanta qaatay shahaadada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this