Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo noqday musharaxii ugu horreeyay ee is diiwaangeliyay

Recommended Posts

Deeq A.   
sheekh.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharaxii ugu horreeyay ee qaatay shahaadada musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga isku-dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Senator Cabdiqani Geelle Maxmed ayaa Sheekh Shariif guddooonsiiyay shahaadada musharaxnimo, kadib markii uu buuxiyay shuruudihii laga rabay.

Diiwaangelinta musharaxiinta oo maanta bilaamatay waxay ku egtahay berri oo ku beegan 10 Maajo, halka musharaxiintu khudbadooda ka hor jeedin doonaan baarlamaanka 11 iyo 12 bishan Maajo.

Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhici doonta 15-ka basihan Maajo 2022, sid ay horay u shaaciyeen Guddiga Doorashada.

Doorashadan waxaa u taagan in ka badan 20 musharax oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya in ay xilka kala wareegaan Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Sheekh Shariif oo noqday musharaxii ugu horreeyay ee is diiwaangeliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this