Deeq A. Posted May 8, 2022 (SLT-Jeddah)- Boqorka Sacuudiga Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la dhigay cisbitaal ku yaalla magaalada ku taalla badda cas ee Jeddah, si baadhitaanno caafimaad loogu sameeyo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga Axaddii. Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa soo xiganeysay bayaan ka soo baxay maxkamadda boqortooyada, waxaana warku wuxuu intaa ku daray in uu baadhitaan ku marayo cisbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal, iyada oo aan faahfaahin kale laga bixin. Boqor Salmaan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu sarreeya dhoofinta saliidda adduunka sannadkii 2015 kadib markii uu in ka badan 2-1/2 sanno ku qaatay xilka dhaxal sugaha iyo raysal wasaare ku xigeenka. Boqorka, oo 86 jir ah, ayaa qalliin lagaga sameeyay xameetida sannadkii 2020, isaga oo sidoo kale galay qalliin dhanka wadnaha ah bishii march. Reuters. Source Share this post Link to post Share on other sites