Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiikh Shariif oo Noqday Musharraxii Ugu Horeeyay Ee Isdiiwaangeliyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyneynihii hore dowladdii KMG aheyd Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa maantaa noqday musharraxii ugu horeeyay ee isku diiwaan geliyo tartanka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa qaatay shahaadada muujinaysto musharraxnimada, waxaana la filayaa in saacaadaha soo aadan musharraxiin kale ay isa soo diiwaangeliyaan, si ay uga qeyb galaan doorashada madaxweynaha dalka.

Sheekh Shariif ayaa dalka madaxweynaha dalka loo dooray 31-kii January 2009, waxaana uu xilka ka degay 10-kii  Setembar 2012, waxaana hadda uu yahay musharrax u taagan xilka  madaxweynaha Jamhuuriyadda markii 3-aad.

Doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ayaa waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo 15-ka bisha May, waxaana Muqdisho ka socda abaabulkii ugu xooganaa oo musharraxiintu ku muujinayaan olalahooda.

May be an image of 2 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 2 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 1 person and indoor

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this