Deeq A. Posted May 8, 2022 Jeddah (Caasimada Onine) – Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalo Magaalda Jeddah ee Caasimadda labaad ee dalkaas. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay boqortooyada oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga, Boqorka ayaa waxaa kusoo booday xanuun xilli uu maalmihii dambe aad u xanuunsanayey. Bayaanka kasoo baxay Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan oo ah 86 jir la dhigay Isbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal ee ku yaalo Jeddah. Illaa hadda dowladda Sacuudiga ma aysan faahfaahin xanuunka haya boqorka iyo sida ay tahay xaaladiisa Caafimaad. Boqor Salmaan ayaa wuxuu horey u maray qalliin dhanka xameetida ah sanadkii 2020-kii, waxayna xogo la helayo sheegayaan in xanuunka boqorka uusan markaan aheyn mid la xiriira Xameetida. Boqorka ayaa la wareegay xilka ilaaliyaha labada Masjid ee Xaramka sanadkii 2015-kii, ka dib markii uu labo sano iyo bar uu ahaa dhaxal sugaha iyo Ra’iisulwasaare kuxigeenka. Wiilka uu dhalay ee Maxamed Bin Salmaan ayaa mar hore la wareegay talada iyo maamulka Dowladda Sacuudiga kadib markii uu Aabihiis noqday bukaan jiif, waxayna isaga iyo Aabihiis go’aamiyeen in boqortooyada loo badalo (Is dhalitaan) halka ay markii hore aheyd (Isla dhalasho). Salman ayaa xiray inta badan adeeradiisii sugayey dhaxalka boqortooyada, wuxuuna la wareegay hantidii ay lahaayeen oo dhan xilli qaarkood aan nolol iyo geeri lagu heyn. The post DEG DEG: Boqorka Sacuudiga oo Isbitaal la dhigay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites