Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Human Rights Watch oo baaq u jeedisay dowladda Iran

Recommended Posts

Deeq A.   
031a0000-0aff-0242-ce7a-08da2fcb23b0_w10

Dowladda Iran ayaa xirtay ku dhawaad 40 macallin oo dalka oo dhan laga soo qabqabtay ilaa 1dii bisha May, sida laga soo xigtay Hay’adda xuquuqda aadamaha ee Human Rigths Watch (HRW). Ha’yadda ayaa ku baaqday in macallimiinta la sii daayo.

Hay’adda HRW oo soo xiganaysa website lagu magacaabo Emtedad ayaa sheegtay in ilaa 1dii bisha May ay ciidanka Iran xireen 38 macallin.

Ugu yaraan, 17 ka tirsan macallimiintaas ayaa wali la hayaa, kuwaas oo uu ka mid yahay Mohammad Habibi, madaxa Ururka Macallimiinta ee Iran, sida hay’adda laga soo xigtay.

Hay’adda ayaa sheegtay in xarigu uu yimid ka dib markii Golaha Xiriirka oo ururka macallimiintu uu iskugu yeeray dibadbax dhaca 1dii May oo ah maalinta ka horeysa Maalinta Qaran ee Macallinka ee dalkaas.

Macallimiinta Iran ayaa dibadbaxyo is-xiga xiga sameeyey bilihii u dambeeyey si ay uga cawdaan duruufaha haysta iyo xariga saaxiibadood loo geystay.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda Human Rights Watch oo baaq u jeedisay dowladda Iran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this