Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weyne Biixi & Gaboose waxay ka midaysan yihiin inaanay Doorashada Madaxtooyadu dhicin & Muddo kordhin Guurtidu ugu duugto Madaxweynaha……Siyaasi Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   
M/weyne Biixi & Gaboose waxay ka midaysan yihiin inaanay Doorashada Madaxtooyadu dhicin & Muddo kordhin Guurtidu ugu duugto Madaxweynaha……Siyaasi Cali Guray
gaboose-1.jpg
HAADBA HAAD KICI
Urur siyaasadeed waa la furi karaa oo aniga ayaaba ka fakaraya in aan urur furo hadii Allah yidhaa. Waxa la isku hayaa goorma ayay ururada buuxiya shuruudaha iyo sadexdan xisbi ay tartan geli karaan? Ma ka hor Doorashada Madaxtooyada ee 13ka November mise ka dib? Ka hor iyada lali ma jirto eh. Ka dibna waxay ku xidhan tahay qabsoomidda doorashada hore ee madaxtooyada. Sida muuqata madaxwayne Muuse iyo Gaboose iyo rag kaleba waxay ka midaysan yihiin in aanay qabsoomin doorashada madaxtooyadu muddo kordhin aan heshiis lagu ahaynna ay Guurtidu ugu duugto Madaxwaynaha iyada oo aan xisbiyada mucaaridka iyo qaadhaanbixiyayaasha 75% kharashka doorashada iyagu balanqaaday ee horaanteediiba laga hayo aan midna afkaba juuq looga odhan ilaa inta ay sadexdan xisbi shahaadaduhu ka dhacayaan 26 December. Ka dibna la yidhaa xisbiyaba ma jiraan ee waxay la mid yihiin ururada doorasho ay geli karaanna ma jirto. Taas oo si toos ah uga horimanaysa dastuurka Somaliland. Waayo dastuurka ayaa sheegaya in Somaliland ay jirayaan xisbiyo aan ka badan karin sadex xisbi mar aanay xisbiyaba jirayn dastuurku ma sheegayo. Markaa sida ruuxa dastuurka Somaliland yahay waa in mar kasta ay jiraan sadex xisbi hadii aan la is indho tirayn.
Doorashadii Madaxtooyada 2010kii uu Kulmiye ku guulaystay sadexdii xisbi ee doorashada galay shahaadadahoodu waxay ka dhaceen December 2006dii. Iyadoo sadex sanadood iyo badh ay dhacsan yihiin shahaadadahoodu ayay hadana doorashadii galeen iyaga oo xisbiyo qaran ah.
Sida aan filayo hadii aan la qaban doorashadii keli ahayd ee la isla wada ogolaa wax kastana ay diyaarka u ahaayeen doorasho kale oo aan la isla ogolayn halka iyo goorta, iyo cidda uu Muuse Biixi u qaban karo anigu kolay garan maayo eh waxaaba dhici karta in aan Somaliland wax doorasho ah oo dambe ka qabsoomin inta uu kursiga Muuse ku fadhiyo. Waana sida malaha uu damacsan yahay Muuse Biixi in kursiga uu iska sii fadhiyo inta uu doono amase ilaa inta uu nool yahay ee naftu ku jirto.
Madaxwaynuhu khudbad sanadeedkiisii ayaa la filayaa in uu labada gole ka hor jeedin doono saadambe Isniinta. Doorashooyinkii uu hore u balanqaaday in dalka laga qabanayo sanadkan bal waxa uu ka yidhaa, hadiiba uu soo qaado waynu maqli. Sadexdii doorashoba in ay baaqnayaan oo aanay midina qabsoomi doonin ayay ku socotaaye
 Qalinkii:-
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf
“Cali Guray”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this