Deeq A. Posted May 8, 2022 Feyras cusub ee lagu arkay Dalka UK Astaamaha lagu arko qofka uu ku dhaco feyraska monkeybox Qof ku sugan dalka Ingiriiska ayaa laga helay fayras lagu magacaabo monkeypox, sida ay sheegtay waaxda arrimaha caafimaadka ee UK. Qofka laga helay feyraskan ayaa dhawaan u safray dalka Nigeria, halkaas oo la rumeysan yahay in uu kasoo qaaday fayraska ka hor inta uusan imaan UK, ayay tiri hay’adda caafimaadka. Waxaana haatan bukaanka lagu daweynayaa xarunta lagu qaabilo bukaanada uu ku dhaco cudurrada faafa ee ku taalla isbitaalka NHS ee London. Feyraska Monkeybox waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS. Waxay sheegtay in feyraskan uusan si fudud ugu dhax fidin bulshada isla markaana ay aad u hooseyso halista uga imaan karto bulshada. Waaxda caafimaadka ee UK waxay sheegtay in shaqaalaha caafimaadka ay si dhow ula shaqeynayaan xarunyta NHS si loola xiriiro dadka laga yaabo in uu la kulmay ninkan laga helay feyraska Monkeybox. Sanadkii 2018-kii ayay aheyd markii UK ay diiwaangelisay kiiskii ugu horreeyay ee feyraskan, wixii intaa ka dambeeyay waxaa la xaqiijiyay dhowr kiis oo isla caabuqan ah. Caalamadaha feyraska Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal, sida ay sheegtay waaxda badqabka iyo arrimaha caafimaadka UK. Finin ayaa bukaanka ka soo bixi kara, intoodan badan waxay ka bilowdaan wajiga, ka dibna waxay ku faafaan qaybaha kale ee jirka. Finanka ayaa isbeddela ugu dambeyntii waxay yeeshaan qolof, kaas marka dambe soo hoobta. Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga , wuxuu gudbaa indhaha, sanka ama afka. Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha. Feyraska Monkeypox Maxaa keena feyraskan? Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xooggaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan. Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas. Waxaa jira labo nooc oo fayraskan ah oo laga soo sheegay – Galbeedka Afrika iyo Afrikada Dhexe. Labo ka mid ah bukaannada cudurka qaba ee lagu arkay UK ayaa ka soo safray Nigeria, sidaa darteed waxay u badan tahay inay la ildaran yihiin nooca fayraska nooca Galbeedka Afrika, kaasoo ah mid fudud, inkasta oo weli la xaqiijin. Kiiskii saddexaad wuxuu ahaa shaqaale caafimaad oo la sheegay in fayraska uu ka qaaday mid ka mid ah bukaannada. Sidee loo daweeyaa? Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido. Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites