Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Odawaa Iyo Xijaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan Muqdisho kula  qaatay taliyeyaasha ciidamada Milatariga iyo Booliiska  Jeneral Odawaa Yuusuf Raage iyo Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa labada taliye wuxuu  kula dardaarmay in siwaangsan ay u gutaan xilka ka Saaran dalka iyo mas’uuliyadda aminga goobta doorashada madaxweynaha oo guddigu  shaaciyay  goorta ay dhacayso.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in martigeliso doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda, waxaana doorashadu ka dhacaysaa Teendhada Afisyooni oo horay loogu doortay guddoonka BFS

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this