Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Ka Dhashay Booyad Shidaal oo Burburiyay Hotel iyo Khasaare Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax weyn oo ka dhacay gudaha dalka Cuba ayaa waxaa uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawaac, sida ay baahisay madaxtooyada dalkaas, dadka ku dhintay ayaa waxaa ku jira ilmo yar iyo haweeney uur leh  ah.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhashay Booyad sidday Shidaal oo taagneyd banaanka hotel lagu magacaabo Saratoga oo ku yaalla magaalada Havana , qaraxa ka dhashay Shilaadlka ayaa burburiyay biyaanooyin dhowr ah oo hotelka.

Waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyoootay 22 ruux, halka uu dhaawac kasoo gaaray 60 ruux oo kale, waxaa burbur baahsan soo gaaray dhismaha, dowladdu waxaa ay shaacisay dadka dhintay  ku jiraan ilmo iyo haween uur leh.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this