Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Shuruudaha laga rabo murashaxiinta madaxweynaha oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)– Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ee baarlamaanka ayaa soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxa madaxweynaha ee doonaya inuu tartamo.

Shuruudaha oo ka kooban sagaal qodob ayaa ugu muhiimsan in murashaxa uu bixiyo $40,000, waxaana la faray inay soo buuxiyaan dhamaan sagaalka shuruud ee habraaca diiwaan gelinta murashaxa madaxweyne.

Qodobada sagaalka ee laga doonayo murashaxa ayaa waxay kala yihiin:.

  1. Warqada aqoonsiga (ID ama Passport).
  2. Warqada codsiga murashaxnimo.
  3. Warqada soo jeedinta murashaxa. Qodobkaan ayaa laga rabaa murashax kasta in uu soo saxiixo form 20 xildhibaan, xildhibaan kastana waxaa loo ogol yahay inuu sadax murashax u saxiixo.
  4. Warqada caddeynta buuxinta shuruudaha murashaxnimo.
  5. Afar boqol nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadal jeedinta.
  6. Taariikh Nololeed (CV).
  7. Labo sawir Teesaro ah.
  8. Warqadda cadeynta lacag qabashada.
  9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaansamida habraacyada iyo natiijada doorashada;.

 

Ugu danbeyntii guddiga doorashada madaxweynaha ee baarlamaanka ayaa faray murashaxiinta iney soo dhameystiraan dhamaan shuruudaha kor ku xusan si loo guddoon siiyo shahaadada murashaxnimo.habraac-murashax.jpg?resize=696%2C887&ss

The post Akhriso: Shuruudaha laga rabo murashaxiinta madaxweynaha oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this