Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay safiirka dalka imaaraadka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
1-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah  safiirka dalka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa safiirka ka guddoomay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha ayaa danjiraha Imaaraadka Carabta kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay safiirka dalka imaaraadka ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this