Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlay Ciidamada ku go’doonsan Mariupol

Recommended Posts

Deeq A.   
34cbf9ea-41fc-4465-be5e-8fb0d1cf0a8c_16x

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu badbaadinayo dagaalyahannada ku go’doonsan warshadda birta ee magaalada Mariupol, halkaasi  oo horay looga soo saaray dad rayid ah kadib markii Ciidamada Ruusha ay duqeeymo xooggan ka geeysteen.

Ciidamada Ukraine ee ka dagaalama magaalada Mariupol ayaa wacad ku maray inaysan isu dhiibi doonin Ciidamada Ruushka, tasoo keentay cabsi ku saabsan in ciidamada Ruushka ay gabi ahaanba baabi’iyaan Ciidamada halkaas ku sugan.

Sarakiisha Ciidanka Ukraine ayaa sheegay in 50 qof oo rayid ah shalay la daadgureeyay magaalada, iyagoo Ruushka ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xabbad joojintii looga gol lahaa in lagu samata bixiyo daraasiin dad ah oo ku go’doonsan dhulka hoostiisa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlay Ciidamada ku go’doonsan Mariupol appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this