Deeq A. Posted May 7, 2022 Madaxweynaha ilaa iyo hadda macalinka ah oo wax dhiga Maalin walba oo Sabti ah ayuu macalinkaan ardaydiisa baraa xisaabta kuwaas oo dhigta heerka labaad ee Jaamacadda.Qofkaasi waa madaxweynaha Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Faustin Archange Touadéra,wuxuu tagaa Jaamacadda Bangui,wuxuuna ardayda siiyaa cashirro la xiriira xisaabta. Ardayada ayaana u arka la kulanka madaxweynaha macalinka ah mid mudnaan gaar ah leh iyo inuu yahay nin shaqadiisa gudanaya. “Madaxweynuhu marka uu fasalka soo galo, waxaan naftayda u sheegaa inuu macalin yahay. Waxaan u arkaa si sahlan macalin ” ayay tiri Laeila Songuiyo, oo ka mid ah ardayda Mr. Touadéra.Ninka xilka ugu sareeya haya waddanka Afrikada Dhexe ayaa saacadaha nasashada ee maalinta Sabtida u isticmaala inuu wax ka dhigo Jaamacadda Bangui. “Anigu waxaan ahay macalin, marka waxaan aad u xiiseynayaa tababarka madaxda Afrikada dhexe, waxaanan sii wadaa inaan wax baro si ay uga faa’iideystaan dhalinyaradan,” ayuu yiri madaxweyne Touadéra.”Waxaan wax barayay ilaa 1987. Waxaa jeclahay, xisaabta,” ayuu yiri mar kale madaxweynahaan oo dib loo doortay xilli labaad December sanadkii 2020. Dib-u-heshiisiinta,waxbarashada iyo maareynta awoodda Faustin Archange Touadéra waxa uu xukunka la wareegay sanadkii 2016, isaga oo madax ka noqday waddan ay xilligaas ka taagnaayeen rabshado la xiriiray isku dhacyo bulsho iyo fallaago.Ninkaan ayaa sidoo kale soo noqday ra”iisul wasaare intii u dhaxeysay sanadihii 2008 iyo 2013. Dhibaatooyinka iyo qalalaasaha dalkiisa soo foodsaaray ma aysan wiiqin rabitaankiisa ku aaddan inuu ku sii shaqeeyo xirfadiisa isaga oo madaxweyne ah oo ay u yaallaan howlo badan oo si joogta ah laga rabo inuu u qabto. Jaamacadda uu wax ka dhigo ma laha macalimiin ku filan, sida uu sheegay Mr. Touadéra.”Tani waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee maamulkeyga haysta.Taasi waa sababta aan ugu dhiirigelinayno dhalinyarada inay sii wataan waxbarashadooda tacliinta sare oo ay buuxiyaan farqigaas oo ah mid aad muhiim u ah,” ayuu yiri madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.Wuxuu intaa raaciyay in dowladiisu ay muddnaanta koowaad siinayso waxbarashada. Wuxuu su mal-dahan u sheegay in la heshiiyay oo dabcan uu ula jeeday in xafiiskiisu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta dalka.Wuxuu sheegay in ardayda uu macalinka u yahay uu ka helo falcelin wanaagsan oo ku saabsan tallaabooyinka dowladiisu qaaddo. Ardyada ayaa mararka qaar su’aalo waydiisa. Kudayasho dhiirigelin leh Mr. Touadéra ardaydiisa ayaa u arka howshaan uu hayo madaxweynahooda ahna macalinkooda inay tahay mid ku dayasho mudan isla markaana ku dhiiro galinaysa ardyada in iyaguna ay sameeyaan sidaan oo kale. “Anigoo ardayad dhigata xisaabta oo jooga Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxaa jira caqabado badan oo aan la kulmo maalin kasta,” ayay tiri Laeila Songuiyo.”Waxaan rabaa in aan gacan ka geysto horumarinta adeegyada muhiimka ah”,ayay hadalkeeda. Waa arrin dhif ah in inta badan la arko madaxweyne qabanaya shaqooyinka ay qabtaan buslahada uu madaxda u yahay ee ka baxsan waajibaadkiisa. Dad badan ayaa qaba in madaxda marka ay dhexgalaan shacabkooda ay keeni karto inay aad isugu dhawaadaan labada dhinac taasi oo dhan kasta u ah fursad muhiim ah oo la isku waydaarsan karo arrimo kala duwan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites