Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka Aadan Madoobe iyo safiirka Imaaraadka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta, Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay  arrimo dhowr ah, sida doorashooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Al Hammadi oo kulanka ka hadlay ayaa guddoomiyaha la wadaagay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Dhankiisa Aadan Madoobe ayaa danjiraha Imaaraadka  kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, walow 5 tii sano ee lasoo dhaafay uu xumaa xiriirka xukuumadaha Abu Dhabi iyo Muqdisho, sababo la xiriir khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex-galay dowladda Farmaajo iyo Imaaraadka.

Kulankan ayaa ku soo aadayo, xilli 15-ka bishaan May loo ballansan yahay in la qabto doorashada madaxweynaha, taas oo qaban qaabadeeda ay ka socoto magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee ka dhalatay waqtiga kala guurka, maadaama ay marar badan ay dib u dhaceen jadwallada doorashooyinka dalka.

280132848_312883157688993_62705101627388 279198458_312883127688996_26100075457117 279450474_312883147688994_22226212647806 279895315_312883181022324_23338283737365

The post Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka Aadan Madoobe iyo safiirka Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this