Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo codsi u dirtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmiya uga codsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF in ay dib u dhigto barnaamijka ay dib u eegista ugu samaynayso dhaqaalaha Soomaaliya oo ku eg 17 bishan May 2022.

Warqadda Codsiga ah ee  ka soo baxday dowladda Soomaaliya waxaa si wadajir ah ugu saxiixan wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in mudda saddex bilood ah lagu kordhiyo barnaamijkaas ay waddo hay’adda lacagta adduunka ee IMF islamarkaana la gaarsiiyo 17 Agoosto 2022.

Codsiga dib u dhigidda barnaamijka ayaa dowladdu sheegtay in uu la xiriiro dib u dhacyada hareeyay doorashada dalka oo saamayn ku yeeshay shaqooyin badan oo la qaban lahaa.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF weli kama jawaabin codsiga ka yimid Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli dalku uu ku jiro wakhti doorasho oo kala guur ah.

Halkaan ka akhriso warqadda

2-4.jpg?resize=660%2C916&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo codsi u dirtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this