Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali Markii Ugu Horreysay Kamid Noqotay Ciidammada Booliska Australia

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Melbourne)-Dhallinyaro Soomaali ah ayaa markii ugu horreysay ku biiray booliska gobolka Victoria ee dalka Australia, waxayna ka mid ahaayeen cutubyo boolis ah oo tababar loogu soo xidhay Magaalada Melbourne.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ku nool Australia Faarax Maxamuud Warsame ayaa sheegay in koox ka kala socotay dhaqamada kala duwan in la geeyay Dugsiga lagu tababaro Booliiska oo xiligaas ka socotay tababarka ciidankaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 2 qof ay ku biireen Ciidanka Booliiska halka qofka saddexaad uu gabagabo u yahay tababarka la siinayo si uu u maro shuruudaha hor yaalla.

Imtixaan adag ayaa la mariyaa Dhalinyarada kamid noqonaya Booliiska sida in aanay wax dambi ah gelin, canshuur lagu lahayn, dabaasha, orodka iyo awood ahaan in uu qofka u muuqdo waana tan keentay in imtixaankaas lagu kala reebo Dadka.

Xubinnimada Booliiska Australia ayaa loo maraa shuruudo adag, tababarka ciidankaas la siiyo waxaa weheliya imtixaan laga qaado kaas oo ku saleysan jidh ahaan iyo xirfad ahaan si loo helo askari dhammeystiran sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Booliska.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this