Deeq A. Posted May 7, 2022 Taariikhdu Boob iyo Been maaha !…….Siyaasi Kaysar Maxamed 1. Allah ha u naxariistee Xoreeyihii Somaliland iyo ku dhawaaqihii aasaasay Jamhuuriyada Somaliland ahaana Madaxweynihii ugu horreeyay ee Aabaha u ahaa waxa uu ahaa Allah ha u naxariistee Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur. 2. Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyada Somaliland ee dhismaha dawladnimo salka u dhigay, ee nidaamka dawladeed ee aynu maanta haysano inoo dhisayna waxa uu ahaa Allah ha u naxariistee Madaxweyne Maxamad Ibraahim Cigaal. Ninkii intaas diidan ee been sheegayaa waa nin carruur u sheekaynaya, balse taariikhdu maaha bootaalayn iyo been sheegid. Labada Madaxweynaba Allah Naxariistii Janno ha siiyo, been laga sheego uma baahna, balse duco ayay u baahan yihiin. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites