Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle oo Soo Gabgabaysay Doorashada Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta oo Jimco ah soo gabagabeeyay doorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, waxaana Jowhar lagu dooratay kursigii ugu dambeeyay, kaas tirsigiisu yahay HOP#135.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Amran Xuseen Isaaq, Maxamed Aadan Daahir iyo Maxamed Nuur Xuseen, waxaana kusoo baxay Murashax Mohamed Adan Daahir, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada ee maamulka Hirshabeelle.

Kursigaan ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Allah u naxariisto xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay magaalada Baladweyne 23-kii March 2022-ka, xilli ay ku jirtay sidii markale loogu dooran lahaa kursiga HOP#135.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this