Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadaad Muslim ah oo diiddan in uu ka baxo xabsi laga sii daayay+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadaad Muslim ah oo diiddan in uu ka baxo xabsi laga sii daayay

Wadaadka Kenyaanka ah ee la sii daayay ayaa sheegay in uu naftiisa u baqayo
Wadaadka Kenyaanka ah ee la sii daayay ayaa sheegay in uu naftiisa u baqayo

Wadaad Muslim ah ayaa waydiistay maxkamad ku taalla Kenya in aan xabsiga laga sii deyn. Waxaa loo fasaxay inuu bixi karo markii lagu waayay dacwado argagixisannimo la xiriiray oo loo haystay.

Ninkan oo lagu magacaabo Sheekh Guyo Gorsa Buru, waxaa la xiray bishii Jannaayo ee sanadkii 2018-kii, waxaana lagu eedeeyay inuu waday howlo uu ku taageerayo koox argagixiso ah iyo inuu la shaqenayay ururka Al-Shabaab.

Hase yeeshee toddobaadkan, ayaamaxkamadi amartay sii-deyntiisa, iyadoo sheegtay inay dowladdu ku guul-darreysatay in ay keento caddeymaha ka dhanka ah kiiska ninkaas.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu diiday inuu ka baxo xabsiga uu ku jiro oo lagu magacaabo Kamiti, isagoo taas u sababeeyay inuu naftiisa u cabsanayo.Sheekhu wuxuu ku andacooday in marka uu bannaanka u baxo ay suurtagal tahay in la qafaasho ama ay dilaan ciidanka dowladda.

Dhanka kale, garsooraha maxkamadda ayaa amray inuu wadaadku ku sii jiri karo xabsiga ugu badnaan 30 maalin, wuxuu markaas ka dambeeyana la fasixi doono.

 

Laakiin, wuxuu sheekhu ku khasbanaan doonaa inuu dowladda lacag ku siiyo muddadaas dheeraadka ah ee loo oggolaaday inuu ku sii jiro xabsiga. Lama sheegin caddadka lacagta iyo sababta ay tahay inuu dhaqaale ugu bixiyo arrintaas.

Sheekh Buru, wuxuu maxkamadda sare u gudbiyay kiis kale oo ah inuu doonayo in amnigiisa la sugo wixii ka dambeeya marka uu xornimadiisa dib u helo. Kiiskiisa ayaa soo cusbooneysiinaya dood ku saabsan dadka khasabka loo kaxeysto ama lagu waayo gudaha dalka Kenya.

Warbixin ay dhowaan soo saareen Hay’adda Amnesty iyo kuwa kale caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa lagu dhaleeceeyay booliska tacaddiyo, dilal sharciga ka baxsan iyo qafaallo ka dhacay Kenya. Booliska wuu beeniyay eedeymahaas.

Sheekh Abubakar Sharif Axmed Makaburi
Sheekh Abubakar Sharif Axmed Makaburi

Wadaad horey loogu dilay Kenya

Sanadkii 2014-kii ayay xiisadi ka dhalatay toogashada sheekh caan ahaa. Sheekh Abubakar Sharif Ahmed oo loo garanayay Makaburi ayaa lagu toogtay magaalada Mombasa isagoo ka soo baxay goob maxkamad ah oo ay dacwad uga socotay.

Wadaadkaas ayaa ahaa nin aan la gabban fikirkiisa, dowladduna waxay ku eedeysay xilligaas inuu ahaa nin xagjir ah oo taageersanaa Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isla xilligaas Makaburi ku eedeeyay inuu taageero, dhaqaalana siin jiray Al-Shabaab, balse eedeyntaasi dhowr jeer ayuu beeniyay. Sheekhaas, oo la dilay bishii Abriil ee sanadkii 2014, ayaa ahaa kii saddexaad oo lagu dilo Mombasa laga soo billaabo sanadkii 2012-kii.

Makaburi ka hor waxaa isla magaalada Mombasa lagu dilay Aboud Rogo iyo Ibrahim Cumar oo iyaguna ahaa wadaaddo uu dilkoodu muran dhaliyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this