Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo shaaciyey inuu ku lug lahaa markabkii Ruushka ee lagu burburiyey Badda madow

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanka oo shaaciyey inuu ku lug lahaa markabkii Ruushka ee lagu burburiyey Badda madow

 

Dawladda Maraykanka ayaa xog-sirdoon siisay Ukraine taas oo ka caawisay in ay quusiyaan markabkii Moskva ee Ruushku lahaayeen kaas oo ay ku dhufteen gantaalka, sidaas waxaa baahiyay warbaahinta Maraykanka.

Sarkaal aan magaciisa la baahin ayaa sheegay in Ukraine ay waydiisay Maraykanka xog la xiriirta markab ku sii jeeda Koonfurta Odesa.

Maraykanka ayaa u sheegay in uu yahay markabkaasi Moskva waxayna u xaqiijiyeen halka uu marayo. Kadib Ukraine ayaa ku riday laba gantaal. Pentagon ka ayaan wali arintaan ka hadlin. Laakiin afhayeen u hadlay Marayknaka ayaa sheegay in ay Ukraine ku caawiyeen xogo sirdoon si ay nafteeda u difaacato.

Saraakiil Maraykan ah oo aan magacooda la baahin kuwaas oo ay soo xigteen warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in aysan markii hore ka war hayn in Ukraine ay dooneysa in ay beegsato markabka Moskva balse ay ku caawiyeen xogta Meesha uu ka marayo badda madoow.

.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this