Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo ku howlan daadgureynta Rayidka ku go’doonsan magaalada Mariupol ee dalka Uktaine

Recommended Posts

Deeq A.   
28145987-d5a5-4fc8-833f-8ea423ae5db0_16x

Kolonyo ka socda Qaramada Midoobay ayaa ku howlan sidii loo daadgureyn lahaa dad badan oo ku xayiran magaalada Mariupol oo ay ka socdaan dagaallo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Raashiya iyo kuwa Uktaine.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in 500 oo qof ay hadda ka daadgureeyeen warshadda birta ee deegaanka Azovstal ee magaalada Mariupol iyo nawaaxigeeda.

Dagaalyahannada gudaha Azovstal ayaa dagaal quus ah kula jira ciidamada Ruushka ee doonaya in ay hore ugu sii durkaan gobollada bariga Kharkiv iyo Donetsk

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku heshiiyey in aan la aqoonsan deegaan dhuleedka Ruushku uu ka qabsaday Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo ku howlan daadgureynta Rayidka ku go’doonsan magaalada Mariupol ee dalka Uktaine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this