Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada M oo ka digtay halis macluul oo ay wajahayaan dadka Bariga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada iyo isku duwaha gargaarka degdega ah, Martin Griffiths, ayaa ka digay in laba milyan oo carruur ah oo ku nool Bariga Afrika ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo ay sababeen abaaraha ka jira gobolka.

Mr Griffiths oo ka hadlay shir ay yeesheen deeq-bixiyayaasha oo lacag lagu ururinayey  ayaa sheegay in Geeska Afrika ay soo food saartay dhibaatoyin dhanka nolosha ah ,isagoo intaa raaciyay in dadka gobolka ay  dhibanayaal u noqdeen gaajo aad u  daran oo ay dhaliyeen isbadalka cimilada.

“Soomaaliya, 350,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay u dhintaan nafaqo-xumo iyo cudurro, malaayiin qofna waxaa soo food saartay gaajo ka dib saddex xilli oo la waayey roobabkii “ayuu yiri ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada iyo isku duwaha gargaarka degdega ah .

UK ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 25-milyan oo Giniga Istarliinka ah, intii uu socday shirkii looga hadlayay abaaraha oo ay martigaliyeen Midowga Yurub iyo xafiiska arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu ururiyay lacag dhan £1.1 bilyan.

Abaaraha ka jira geeska Afrika ayaa la sheegay in ay sii saba dheeraadeen,waxaana laga cabsi abaa in ay dhacdo mid la mid ah abaartii 2011-kii eek u dhufatay gobolka,taas oo ay ky dhinteen dad gaaraya rubuc milyan oo kala bar ay ahaayeen caruur.

PUNTLAND POST

The post Qaramada M oo ka digtay halis macluul oo ay wajahayaan dadka Bariga Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this