Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo saadaliyey Mala-awaalkiisa Doorashada Madaxweynaha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
DOORASHADII SOMALIA OO AAKHIRKII SOO GAADHAY HALKII UGU DAMBAYSAY EE DOORASHADA MADAXWAYNAHA
Doorashada Madaxwaynaha Somalia oo la mudderyay in ay qabsoomi doonto bishan 15keeda ayay baraha bulshada qaarkood faafinayaan odoros runta aad uga fog oo odhanaya in Farmaajo uu wareegga koobaadba doorashada ku guulaysan doono. Musharaxa ku guulaysan kara wareega hore wuxu u baahan yahay in uu helo tirada labada aqal ee Baarlamanka kala badh iyo hal (50%+1) oo noqonaya 162 cod. Marka aynu eegno tirada musharixiinta muhiimka ah oo tiro ahaan laga yaabo in ay noqdaan 5 musharax ama ka badan suurogal maaha in mid ka mid ahi uu wareega koobaad heli karo codadka uu u baahan yahay (162). Shanta ugu muhiimsan waxay noqon karaan sadex ka soo jeeda reerka Mogadishu Clan oo kala ah Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Musharaxa ku soo bixi doona doorashada ayaa laga yaabaa in sadexdan uu midkood noqdo karo. Labada musharax ee kale ayaa noqonaya Farmaajo iyo Saciid Dani oo iyaguna reerka daarood ah.
Sida aan filayo labada musharax ee ugu dambaysta isku soo hadhi doona wareega labaad ama sadexaad ayay suurogal tahay in labaduba ay noqdaan Mogadishu Clan. Hadii uu jiro heshiis sidii lagu doortay shirgudoonka Golaha Shacabka in musharixiinta isbedel doonka ahi hadba ka wareegga hore ugu cod bata ay isugu guuraan iyada hadalba ma jiro oo waxa laga yaabaa in Farmaajo laftiisa ay wax iska bedeli karaan. Dad badan ayaa rumaysan marka Farmaajo uu arko ama garto in wax guul ah dhiniciisa jirin markaa in uu taageeri doono Shariifka si uu markiisa u gudo abaalkii doorashadii hore, ilayn waa marka markeedii eh. Doorashadan sidii doorashooyinkii hore oo dhan kursiga Madaxwaynaha iyo ka RWha waxa iska yeelanaya labadii reer ee iyaga ay u xidhnaayeen Mogadishu Clan iyo Daarood balse kursiga Madaxwaynaha lama dhaafin karo Mogadishu Clan sida dhaqanka siyaasaddu ilaa hadda uu yahay. Waxa aynu ku garan karnaa labada Gudoomiye ee labada aqal ee Baarlamanka oo Dir iyo Digiliyo Midhifle ay kala qaateen. Kaambaynka doorashada Madaxwaynaha waxa kale oo muhiim cidda noqonaysa Raisul Wasaare ee laga gadayo ama uu u wato Musharaxa ku guulaysanaya doorashada. Inta saaxadda ka muuqata Siciid Dani ayaa ugu fadalo cadcad ilaa hadda in kasta uu Farmaajo ka dagaalami doono oo aanu rabin in uu ka soo ag dhawaado mucaaridkiisii ugu adkaa ee nafta isugu keeni jiray mudootinkii dambe ee muddo xileedkiisu dhamaanayay ama dhamaadayba.
Ta ugu dambaysa meeshu waa Muqdisho musharax aan beeso qabin cidi danayn mayso xildhibaanada inta ugu badani waa “for sale” sayladana waa la isku hawaynayaa oo qiimuhu cirka ayuu isku shareeri. Markaa tu walba ka yaab iyo in natiijaduba ay noqon karto tu aan loo fashiyin. Waayo doorashada Muqdisho saamaynta ugu wayn lacagtu iyadaa leh
CALIGUREY
ELECTIONWATCH
HARGEYSA,SOMALILAND
May be an image of 3 people and text
<img class=”j1lvzwm4″ role=”presentation” src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
<img class=”j1lvzwm4″ role=”presentation” src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
13Mohamoud AW Hassan Arrale, Mustafe Janaale and 11 others
2 Comments
Like

 

Comment
Share

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this