Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weyne Putin oo Raaligelin bixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil oo soo dhaweysay raalli gelin uga timid madaxweyne Putin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,Madaxweyne Viladimir Putin wuxuu taleefan kula hadlay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett

Israa’iil ayaa sheegtay Madaxweyne Viladmir Putin inuu ka raalli geliyey hadalki ka soo yeeray wasiirkiisa arrimaha dibadda ee ahaa hoggaamiyaha Nazi Adolf Hitler uu Yahuudda isir uu ku leeyahay.

Bayaan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Israa’iil ka soo baxay ayaa lagu sheegay inuu Putin raalli gelinta uu bixiyey mar uu taleefan uu kula hadlay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennet.

Hase yeeshee bayaan wadahadalka labada hoggaamiye ay yeesheen lagu shaaciyey laguma sheegin wax raalli gelin ah.

Sergei Lavrov oo faalladi ugu horreysay bixiyey tani iyo marki uu billowday duullaanka Ruushka isla-markaana damacsanaa inuu u qiil dayo dagaalkaasi ayaa Ukraine ku tilmaamay ‘Nazi’ ama Yahuud Naceyb, iyada oo ay xaqiiqadu tahay madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky inuu yahay nin Yahuudi ah.

Sergei Lavrov oo Axaddi wareysi siiyey Talefishiin Talyaaniga laga leeyahay maalma un kaddib marki la xusay xuska sanadlaha ah ee xasuuqi dadka Yahuudda loo geystay, munaasabaddaasi oo ah kan ugu mudan taariikhda Israa’iil.

Segei lavrov
Qoraalka sawirka,Wasiirka arrimaha Dibadda Ruushka Segei lavrov

Lavrov oo la weydiiyey su’aal ah sida ay Ruushka dhab uga tahay inuu Ukraine Yuhuud naceyb uu ku sifeeyo iyada oo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu yahay nin Yuhuudi ah, Lavrov wuxuu ku jawaabay: “Laga yaabaa inaan khaldanahay, laakiin Hitler laftiisa dhiig Yahuud ayuu lahaa. Zelensesky-na waa Yuhuudi. Dadka Yahuudda ee caqliga uu saaxibka ah waxay yirahdaan kuwa ugu cadcad ee Yuhuudda ka soo horjeeda ay badanaa Yuhuud yihiin.”

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ka soo yeeray waxay caro xooggan ka abuurtay gudaha Israa’iil.

Naaziyiinta Jarmalka inti uu socday dagaalki labaad ee adduunka waxay xasuuqeen Yuhuud ka badan 6 malyan.

Israa’iilna marki uu soo ifbaxay hadalka Lavrov waxay Ruushka ka dalbatay raalli gelin iney hadalkaasi ka bixiso, Bennet wuxuu sheegay “Beenta ceynkaas ah waxaa loola jeedaa in dadka Yuhuudda ah laftooda dambiyadi ugu xumaa ee taariikhda dhacay dusha loo saaro, daalimiinta dambiga geystayna mas’uuliyadda dambiyadi ay geysteen looga weeciyo.”

Ra'isul Wasaaraha Israa'iil

Bayaan Khamiisti ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaare Bennett waxaa lagu sheegay inuu Putin raalli gelinta uu ka aqbalay uuna “uga mahad celiyey mowqifkiisa ku wajahan dadka Yuhuudda iyo xusuusta xasuuqi loo geystay.

Ruushkana wuxuu sheegay labada dhinac iney ka wada hadleen xasuuqi dadka Yuhuudda loo geystay, balse mey sheegin inuu Putin uu raalli gelin bixiyey.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid hadalka ka soo yeeray Lavrov wuxuu ku tilmaamay mid aan la cafin Karin, lagana xumaado isla-markaana ah khalad Taariikhi ah.

Putin iyo Lavrov

Israa’iil waxay isku dayday iney u kala dab qaaddo Ruushka iyo Ukraine sidi colaadda u dhaxeysa nabad looga soo afjari lahaa, waxay sida oo kale la kulantay dhaleeceyn ku aaddan iney mowqif adag ka qaataan Madaxweyne Putin.

Warbaahinta Israa’iil ayaa toddobaadkan baahiyey Israa’iil iney ka fikireyso sidi ay kor ugu qaadi lahayd kaalmda militari iyo tan rayidka ee ay siineyso Ukraine.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this