Sign in to follow this  
Deeq A.

Garsoorihii Ku Qorna dacwadda weriyayaasha Xidhan Oo iska wareejiyay kiiskooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Garsoorihii Ku Qorna dacwadda weriyayaasha Xidhan Oo iska wareejiyay kiiskooda

ilig.jpg

Garsoorihii ku qornaa dacwadda Saddexda Saxafi ee Hargeysa ku xidhan Mahad Maxamed Yuusuf, ayaa maanta iska wareejiyay kiiskaasi sida ay xaqiijiyeen ilo-xogogaal ah.

Garsoore Mahad, ayaa ka dalbatay guddoomiyaha Maxkamadda in uu ka wareejiyo Kiiska Saddaxda Saxafi ee kala ah Maxamed Cabdi Ilig, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Khaliif.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in markii dambe guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, isaga laftiisu isku qoray dacwadda Saxafiyiinta.

Dacwadda saddexda Saxafi ayaa muddaysneed in 9-ka bishan Maxkamadda Hargeysa ay ka bilaamanto, lamana oga sababta keentay in Garsoorihii lagu qoray ka cudur daarto.

Sidoo kale lama oga in isbeddelka ku yimi Garsooraha ay dib u dhigi karto bilaabashada dacwadda ?

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this