Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeeb cuncun ka dillaacay Labada Aqal ee Sharcidejinta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada iyo Senatarrada cusub ee Soomaaliya ayaa la daalaadhacaya jeeb cuncun ba’an oo ka dillaacay labada aqal. Toban maalmood ayaa ka hartay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Murrashixiinta jeebabkooda qoyan yihiin ayaa la soo sheegayaa inay wakiilladooda codad soo ururinta fareen inaysan wax lacag ah siinin ama u ballanqaadin Xildhibaannada iyo Senatarrada u arka ololayaasha doorashada fursad laga fara-qabsado tartamayaasha. Murrashixiintu way og yihiin in Xildhibaan ama Senatar uu cod u ballanqaadayo ugu yaraan laba murrashax — waa fursad dhaqaale oo sharcidejiyuhu ku heli karo ugu yaraan 120,000 oo doollar.

2017kii Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu olole ku bixiyay ugu yaraan 6 malyan oo doollar, oo uu siiyay xildhibaanno iyo senatarro aan ku beel ahayn. In ka yar 30% xildhibaannadii iyo senatarradii uu lacagta siiyay ayaa u codeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

20220505_220005.jpg?resize=396%2C263&sslIsku-tashi: Murrashixiintu waxay ku tashanayaan codadka xubnaha labada aqal, xubnaha labada aqalna waxay ku tashanayaan jeebabka qoyan ee murrashixiinta.

Murrashixiintu ma mooga qorshaha xubnaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare badankood oo jeebabku cuncunayaan, kuna mashquulsan isu geynta lacagaha ay la tahay inay ka qaadan doonaan murrashixiinta.

Siyaasi ololayaal badan wax ka abaabulay ayaa ii sheegay in murrashaxiintu furi doonaan boorsooyinkooda laga billaabo 10ka Maajo. Murrashixiinta qaar waxay qorteen shaqaale kor kala socda xildhibaannada iyo senatarrada ay codadkooda iibsan doonaan. Xildhibaannada iyo senatarrada doonaya inay codadkooda sarriftaan waxay ku talojiraan in aan la arkin kulammada ay ballanqaadyada iska horjeeda ku samaynayaan.

Xasan Sheekh Maxamuud waa murrashaxa keliya oo la hubo inuusan diyaar u ahayn in mar labaad la ajaro. Murrashax kasta wuxuu isku dayayaa inuu yareeyo lacagta ku dhici karta jeebka xildhibaan ama senatar aan u codeyn doonin isaga ama iyada.

A. F. Guuleed

The post Jeeb cuncun ka dillaacay Labada Aqal ee Sharcidejinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this